October 2, 2024
Masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Xafiiska Warfaafinta DDS ayaa booqday xarumaha adeegbixinta iyo mashaariicaha ka socda degmada Guradhaamoole ee gobolka Liibaan.
Masuuliyiinta oo maalmahanba ku sugnaa degmada Guradhaamoole ayaa waxay booqdeen mashruuca daad-leexinta degmada Guradhaamoole oo uu fulinayo Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS, isaga oo aan dhammaaninna roobkii kasoo gaadhay kuna fatahay qaybo ka mida xaafadaha magaalada iyo sidoo kale adeegbixinta xarunta caafimaadka.
Masuuliyiinta ayaa waxaa kale oo ay booqdeen dhismayaasha xafiisyadii degmada Guradhaamoole ku shaqaynaysay oo gabi ahaanba burbursan, qaybahoodii ugu dambeeyayna mardhaw dumeen. Maamulka degmada ayaa ku shaqeeya guryo kiro ah sannadihii ugu dambeeyay oo dhan.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd sidii masuuliyiintu u arki lahaayeen caqabadaha ka jira dhinaca adeegbixinta bulshada iyo sidii xukuumaddu jawaab dhakhso ah uga bixin lahayd.