October 2, 2024
Masuuliyiin uu hoggaaminayo Eng. Maxamed Shaalle, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa booqday magaalada xuduudeedka Suuf.
Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida, Eng. Maxamed Shaalle iyo masuuliyiintii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay magaalada xuduudeedka Suuftu ee u dhaxaysa Kiinya iyo Itoobiya. Boqashada masuuliyiinta ee magaalada Suuf ayaa la xidhiidha ukuurgalidda baahiyaha bulshada iyo in lala socda halka ay marayaan mashariicaha horumarineed ee ka socoda magaalada xuduudeedka Suuf ee degmada Doollo-addo.