October 2, 2024
Masuuliyiin isugu jira heer deegaan iyo heer gobol ayaa kormeer kusoo maray dugsiga sare ee degmada Ceelkari, sidoo kalena waxay kulammo wadaxaajood ah la yeesheen bulshada degmada Ceelkari.
Kormeerkan oo ay horkacayeen Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Dr. Cabdiqaadir Iimaan iyo Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Horumarinta Xoolaha DDS Mudane Xasan Sh. Yuusuf kuna weheliyeen guddoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Barre ayaa ugu horrayntii waxay kormeer kusoo mareen dugsiga sare ee degmada Ceelkari, iyaga oo u kuurgalayay nidaamka baris-barasho ee ardayda waxkabarata dugsigaasi sare.
Ugu dambaytii masuuliyiinta ayaa bulshada degmada Ceelkari la yeeshay kulan ujeedkiisu daarnaa ka warhaynta xaaladaha nabadgalyada, kor-u-qaadista waxsoosaarka beeraha, ka midho’dhalinta dammaanad-qaadka cunnada, dhaqashada xoolaha si casriya iyo xoojinta dakhli-uruurinta oo lamida naftaada ka qaad oo naftaada uqaad, islamarkaana kulankaasi bulshadu waxay ku soo bandhigeen tabashada ay qabaan iyada oo masuuliyiintuna ay uga jawaabaysay su’aalaha shacabka.