October 2, 2024
Masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hoggaaminayo Afhayeen kuxigeenka Golaha Xildhibaannada DDS ayaa soo kormeeray mashaariicaha ka socda gobolkaasi Daawa.
Masuuliyiinta heer deegaan ee shaqada ukuurgalka xaaladda bulshada u jooga gobolka Daawa ayaa soo kormeeray mashaariicaha ka socda gobolka, kormeerkan oo ay ku wehelinayeen maamulka gobolka iyo masuuliyiinta degmada Mooyaale ayaa waxay soo kormeereen mashruuca biyogalinta degmada Mooyaale, dhismaha xafiiska gobolka, iyo guryo-wadareedyo dhismahoodu ka socdo xarunta gobolka ee Ley, halkaas oo ay xubnaha gacanta ku haya mashariicdani warbixintooda ku siiyeen masuuliyinta.
Sidoo kale, masuuliyiintan ayaa ukuurgalay oo soo eegay adeegbixinta cusbitaalka gobolka Daawa oo ay soo kormeereen hannaanka adeegbixinta.