October 2, 2024
Mashruuca waraabka ee laga dhisayo degmada Yaxoob ayaa maraya meel gabo’gabo ah.
Mashruucan oo waraabin doona dhul dhan 110 hiktar kana faa’iidaysan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Yaxoob ayaa waxaa soo kormeeray masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin Wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Waraabka Mudane Cali Baddal oo ay wehelinayaan Maxamed Daahir, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Dakhliga iyo xubno xildhibaanno ah.