October 2, 2024

Mashruuca waraabka Bulxan oo loogu talo’galay in looga faa’iideysto wax-soo-saarka beeraha uuna fulinayo Xafiiska Waraabka DDS ayay kormeereen masuuliyiintii uu hoggaaminayay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar. Mashruucan oo laga wado qabalaha bulxan ee degmada Gunagado ayaa awood ulahaan doona inuu waraabiyo dhul-beereed dhan 500 oo hiktar.