October 2, 2024
Madaxweyne kuxigeenka Deegaanka Oromiya ee dhanka arrimaha bulshada iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga.
Waxaana markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga wafdigan oo uu horkacayay Madaxweyne kuxigeenka Deegaanka Oromiya ee dhanka arrimaha bulshada Mudane C/xakiin Mulu halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madadaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan, Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS Dr. Xuseen Xaashi Qaasim iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.
Ujeeddada socdaalka wafdigan Deegaanka Oromiya ayaa ah si ay uga qeybgalaan daahfurka munaasabad bandhig-faneed loogu talo’galay sii xoojinta daris wanaagga, midnimada iyo walaalnimada ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada.