October 2, 2024
Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan oo ay waheliyaan hoggaaminta sare ee dowladda ayaa maanta soo kormeeray mashaariicaha ka socda degmada Fiiq, goobaha adeegga, dugsiyada waxbarashada iyo kulliyadda farsamada gacanta, wuxuuna warbixin ka dhagaystay hawlwadeennada goobaha uu booqday.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in goobihii uu maanta kormeerka ku tagay ay ku soo arkeen isbaddal wanaagsan, waxaana socdaalka uu ku tagay gobolka Erer madaxweyne kuxigeenku uu ahaa mid diiradda lagu saaray lix qodob oo kala ah; xoojinta barnaamijka dalag & daryeel, xoojinta barnaamijka dhaqo oo dheefso, dib-u-habaynta ciidamada & wacyigalinta bulshada, horumarinta waxbarashada iyo soo xaraynta dakhliga.
Waxaa kale oo uu xusay in degmada Fiiq ay si weyn uga faa’iidaysatay barnaamijka dalag & daryeel oo ay xukuumaddu qorshe u qaadatay in xoogga la saaro kaddib markii sannadkii lasoo dhaafay 770,000 hiktar oo la beeray kasoo go’day 23M oo kiintaal, waxaana iyada oo qorshayaashii laga duulayo degmada ka muuqda ayuu yiri isbeddal wanaagsan. Wuxuuna xusay in 10,000 hiktar dhul gaadhaya in looga faa’iidaysto dalag & daryeel loo qorsheeyay gobolka Erer, hayeeshee bulshada ayuu xusay in ay ku baraarugaan sidii ay ugu istaagi lahaayeen waxsoosaarka beeraha.