October 2, 2024

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiintii uu hoggaaminayay ayaa lagusoo dhaweeyay tuulada Allow-igaadhsii ee degmada Qalaafe oo ay ugu kuurgaleen saamaynta uu ku reebay fatahaadda Wabiga Shabeelle bulshada ku dhaqan tuulada. Masuuliyiinta ayaa eegay saamaynta ay fatahaadu gaadhsiisay dhinacyada dalagga beeraha, xarumaha caafimaadka iyo guryaha hoyga ah ee ay daganaayeen bulshadu.