October 2, 2024

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa magaalada Dhagaxbuur ka dhagax-dhigay Suuqa cusub ee magaalada oo ah G+2 ayna ku baxayso lacag dhan 120 milyan oo birr.

Suuqan ayaa ka koobnaan doona: Dukaamo, makhaayado, xafiisyo, suuq,cusbitaal, shaybaadh,pharmacy, bakhaaro iyo goobaha gawaadhida la dhigto waxaana dhisaysa shirkadda Star Genaral Construction halka ay maal gashanayaan qurbajoog udhalatay gobolka Jarar.