October 2, 2024
Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee DDS Eng. Maxamed Shaalle oo uu weheliyo dhigiisa Deegaanka Oromiya Mudane Faqadhu Kasema iyo hoggaannada nabadgalyada labada Deegaan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalo-xuduudeedka Mooyaale.
Culimo’udiinka, kooxaha dhaqanka, maamullada iyo waxgaradka labada deegaan ayaana si heer sare ah usoo dhaweeyay, ujeedka socdaalka masuuliyiintan ayaa ah ka qaybgalka kulanka adkaynta nabadda iyo walaalnimada shacabka Soomaalida iyo Oromada oo ka furmaya magaalada Mooyaale.