October 2, 2024
Maamulka gobolka Afdheer iyo ka degmada Hargeelle ayaa kormeer shaqo oo isugu jira wacyigalin iyo wadaxaajood kusoo maray tuulada Anqalaal.
Kormeerkan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Barre iyo guddoomiyaha degmada Hargeelle Mudane Axmed Cabdiraxmaan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay tuulada Anqalaal, ujeedka kormeerkan ayaana daarnaa sidii loo sii dardargalin lahaa adkaynta arrimaha nabadgalyada, hirgalinta horumarka, tabcashada waxsoosaarka beeraha, dhaqashada xoolaha si casriya, tayaynta waxbarashada iyo waliba siidii kor loogu sii qaadi lahaa habka dakhli-uruurinta.
Haddaba, kulamadan wacyigalinta ah ayaa daba socday kulamadii hore ee masuuliyiinta heer deegaan ay maalmihii lasoo dhaafay ku soo mareen gobollada iyo degmooyinka taas oo loosii dhaadhicinayay illaa heer tuulo-hoosaad, iyada oo bulshada laga dhagaysanayay tabashada ay qabaan islamarkaana looga jawaabayay su’aalaha ay qabaan kuna aaddanaa baahiyahooda.