October 2, 2024
Kulan lagaga arrinsanayay arrimaha dhallinyaradda ayaa ka qabsoomay Xafiiska Madaxwaynaha DDS.
Kulankan oo uu shir-guddoominayay Wasiir Xafiiska Madaxweynaha DDS Dr. Xuseen Xaashi islamarkaana kasoo qaybgaleen masuuliyiin heer deegaan ah iyo bahda dhallinyarada heer deegaan iyo heer federal ayaa u jeeddadiisu ahayd in la ga wadaxaajoodo sidii xukuumaddu door muhiim ah uga qaadan lahayd arrimaha kor loogu qaadayo ka qaybgalka dhallinyarada ee dhanka horumarrada kala duwan sida nabadgalyada, waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.
Gorfayn iyo wadaxaqjood kaddib waxaa la is la qaatay in qodobbadan xoogga la saaro:
1. In mudnaan gaar ah la siiyo arrimaha dhallinyarada.
2. In wacyigalin ballaadhan laga siiyo ka qaybqaadashada arrimaha xasilloonida iyo kahortagidda dhaqamada xun-xun.
3. In la sameeyo siyaasad lagu horumarinayo dhallinyarada iyo
4. In iskudubarid lagu sameeyo sektarrada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada.