October 2, 2024
Kulamada wadatashiga hoggaaminta sare ee heer deegaan, hoggaaminta dhexe iyo shacabka oo ka qabsoomay xarumaha degmooyinka Ayshaca, Hadhagaale iyo Dambal.
Waxaana kulamadaasi hoos loogu dhaadhicinayay in bulshada fahan laga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo deegaanka, qorshayaasha horumarka iyo kuwa amni. Sidoo kale waxaa lagu dhagaysanayay tabashooyinka jira ee bulshada iyo su’aalaha shacabka ee la xidhiidha dhinaca horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suubban.