October 2, 2024
Kulamada hoggaaminta sare ee heer deegaan iyo shacabka oo wali ka socda degmooyinka gobolka Siti.
Kulamada wadatashiga hoggaaminta sare ee heer deegaan, unug aasaasiyada, hoggaaminta dhexe, laamaha nabadgalyada iyo shacabka ayaa ka qabsoomay xarumaha degmooyinka Erer iyo Gootaabiki, kaas oo hoos loogu dhaadhicinayay qorshayaasha horumarka iyo kuwa amni si ay bulshada qaybaheeda kala duwan fahan buuxa uga haystaan iyadoo hoggaaminta iyo shacabkuba islaqaateen sidii looga midho’dhalin lahaa qorshayaashaas, sidoo kalena lagu dhagaysanayo tabashooyinka shacabka ee ubaahan in laga jawaabo.
Kulamadan oo ay hoggaaminayeen Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Mudane Mahdi Daahir iyo guddoomiyaha gobolka Siti Mudane Maxamed Kaahin ayaa sidoo kale soo kormeeray xarumaha adeegga bulshada sida xarumaha caafimadka, dugsiyada waxbarasho iyo waliba sidoo kale waxsoosaarka beeraha degmooyinkaasi.