October 2, 2024
Iskaashatada Abaqaal oo ah iskaashato waxsoosaar kala duwan ka tabacday duleedka magaalada Dhagaxle ee gobolka Faafan ayaa khasaare laxaad leh kala kulmay roobashii gu’ga, kuwaasi oo qaaday dalagii halka qaarna ay ku xumaadeen biyihii roobka.
C/risaaq Yuusuf Ibraahim, guddoomiyaha Iskaashatada ayaa ka codsaday xukuumadda garab-istaag in ay ufidiso iskaashatadan maadaama ay hanti farabadani ka khasaartay.
Iskaashatada Abaqaal waxay beer baaxad wayn leh ka sameeyeen duleedka magaalada Dhagaxle beertaasi oo soo saaraysay noocyada kala duwan ee dalagga taasi oo doorkan ay ku beereen basal aad u tira badan balse roobka gu’ga oo aad u badnaa awgeed waxaa gabi ahaanba ay khasaare laxaad leh kala kulmeen dalagii ay beereen sida uu sheegay C/risaaq Yuusuf, guddoomiyaha iskaashatada.
Beertan waxaa galay dhaqaale ku dhaw 2 milyan oo birr taasi oo uu sheegay inay ugu talo’galeen in sannadkan ay ka soo go’do 2 kun oo kiintaal balse nasiib xumo waxaa ka soo go’day kaliya 23 kiish taas oo gaadhi wayday xiitaa mushaarkii shaqaalaha iskaashatada Abaqaal.