October 2, 2024
Wasiirka Xafiiska Maaliyadda ee DDS Mudane C/raxmaan Axmed Xasan oo ay wehelinayaan masuuliyiinta Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa qado-sharaf u sameeyay dhallinyarada magaalada Qabridahar.
Kulankan oo ujeedkiisu ahaa kala warqaadasho iyo in ay dhallinyaradu masuuliyiinta la wadaagaan talooyin iyo fikirro qayb ka noqda dadaallada lagu horumarinayo guud ahaan magaalada gaar ahaan dhalinyarada.
Dhallinyarada ayaa soo jeediyay tabashooyinka ay qabaan iyo baahiyaha ka jira Maamulka Magaalada Qabridahar oo ay ugu waa waynaayeen shaqo-abuurka, tayaynta waxbarashada, biyaha, laydhka iyo in magaalada loo sameeyo xarunta kaydka dhiigga. Waxayna dhankooda ballanqaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan geeddi-socodka horumarineed ee Deegaanka.