Degmada Eleelle ayaa heshay laydhka 24-ka saac
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo gaadhay degmada Eleelle ee gobolka Shabeelle ayaa xadhiga ka jaray adeegga laydhka 24-ka saac ee degmada oo ay ku baxaday lacag dhan 35 milyan oo birr.Shacabka magaalada oo ku faraxsan adeegani muhiimka ah ee ay dawladdu uhirgalisay ayaa dareen farxadeed ku qaabilay masuuliyiinta.