October 2, 2024
Bandhigga Beeraha & Xoolaha ee Deegaanka Soomaalida oo museum-ka sayniska ee Addis Ababa lagu soo bandhigay.
Bandhigga Waxsoosaarka Beeraha & Xoolaha ee Deegaanka Soomaalida oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen xafiisyada beeraha, horumarinta xoolo-dhaqatada iyo Mac’hadka Cilmi-baadhista Xoolaha iyo Beeraha Deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo bandhigay Museum-ka sayniska ee magaalada Addis Ababa, waxaana si rasmi ah u furay Madaxweyne Kuxigeenka DDS Ibrahim Cusmaan Iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha JDFI Dr. Fikru Regasa.
Deegaanka Soomaalida ayaana soo bandhigay waxsoosaarka beeraha, xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee uu deegaanku hodanka ku yahay. Sidoo kale Mac’hadka Cilmi-baadhista Xoolaha iyo Beeraha DDS ayaa dhankiisa soo bandhigay farsamooyinka casriga ah ee kor loogu qaadayo waxsoosaarka beeraha, xoolaha & khayraadka dabiciiga ah ee daraasadda lagu wado sida; fooxa cad, fooxa madaw iyo Yicibta oo ka mid ah khayraadka dabargo’aya ee mac’hadku daryeelka ku wado.
Madaxwayne kuxigeenka Deegaanka Soomaalida oo ay wehelinayaan masuuliyiin heer deegaan ah ayaana soo booqday bandhiggan qaybihiisa kala duwan. Bandhiggan oo socday muddo bil ah ayaa maanta si gaar ah loogu soo bandhigay waxsoosaarka Deegaanka Soomaalida.