October 2, 2024
Bandhig-faneed ballaadhan oo looga dan leeyahay horumarinta midnimada, horumarka iyo nabadda deegaannada dalka islamarkaana kusoo beegmay xuska munaasabadda sannad-guurada 30aad ee kooxda fanka dhaqanka Biftu ee Oromiya ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Munaasabaddan oo hal-ku-dhig looga dhigay “Midnimada, horumarka iyo nabadda ay deegaannadu billaabeen suugaan baan ku muujinaynaa” ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, iskuduwaha sector-ka arrimaha bulshada Deegaanka Oromiya lehna awood madaxweyne kuxigeen, masuuliyiihiin sare oo ka tirsan labada deegaan, odayaasha dhaqanka ee deegaannada, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo kooxaha fanka ee labada deegaan.
Musuuliyiinta ka hadashay xuskan ayaa sheegay in u jeedka u wayn yahay sidii suugaan loogaga qaybqaadan lahaa sii adkaynta midnimada iyo walaanimada deegaannada dalka, khibrad kala qaadashada dhanka dhaqanka ee bulshada iyo sidoo kale xoojinta nabadda labada shacab. Waxaana intii ay munaasabaddani socotay lagu soo bandhigay riwaayado iyo heeso ka turjumaya nabadda.
Bandhig-faneedkan ayaa sidoo kale laga qaban doonaa 5 dowlad deegaan iyo ismaamulka Diridhaba, magaalooyinka Adama iyo Bishoftu.