October 2, 2024
Madaxweyne kuxigeenka DDS oo soo kormeeray beeraha tuulada Duduma-cad ee degmada Fiiq.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay tuulada Duduma-cad ee degmada Fiiq, waxaana uu socdaalka madaxweyne kuxigeenku la xidhiidhay u kuurgalidda baahiyaha bulshada, waxsoosaarka dalag & daryeel, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta nabadgelyada.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa soo kormeeray waxsoosaarka beeraleyda tuulada Duduma-cad oo sannadkan beeray 1,200 oo hiktar oo ka mid ahaa qorshayaashii xukuumaddu siisay degmada, hayeeshee madaxweyne kuxigeenka ayaa bulshada kula dardaarmay in ay xoogga saaraan ka faa’iidaysiga barnaamijka dhaqo oo dheefso, dhinacyada waxsoosaarka beeraha iyo ka qaybgalka nabadgelyada.
Madaxweyne kuxigeenku waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddu qorshe u qaadatay in xoogga la saaro waxsoosaarka barnaamijka dalag & daryeel, tayeynta waxbarashada, kor-u-qaadidda dhaqaalaha iyo adkaynta amniga, waxa uuna xusay in dowladdu diyaar u tahay taageeridda bulshada gaar ahaan kor-u-qaadidda adeegyada aasaasiga ah.